|

Xasan Shiikh oo goordhow soo gaadhay Muqdisho iyo Xubno Dowladda Somaaliya ah oo soo dhaweeyay-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Waxaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, oo muddo sanad ka badan ka maqnaa dalka Soomaaliya.

Safarka Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu yimid saacado kadib markii madaxweynaha ka guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu safar dheer dalka kaga ambabaxay maalintii shalay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sida wararka aan ku heleyno xubno wasiiro ah u xil saartay soo dhaweynta madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Ujeedada socdaalka madaxweynaha, ayaa waxaa wararka waxay sheegayaan inay la xiriirto ka shaqeynta xisbi uu hogaamin doono, kaasi oo ka qeyb galaya doorashada soo socota ee ka dhacayso dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in inta badan xubnaha mucaaradka ay kamid noqon doonaan xisbiga cusub ee uu abaabulkiisa wado.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo aqalka sare ayaa madaxweynaha kaga hor tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud, waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ah xildhibaan Sharafeed.

 

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=66653

Posted by on Aug 30 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...