|

Daawo:-Xasan Sheekh oo shaaca ka qaaday in safar xog ogaalnimo ku tagi doono gobolada Dalka-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu dalka ku mari doono safar ujeedadiisu tahay xog-ogaalnimo iyo u kuurgelidda xaalada dalka,isagoo baaq u direy dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya ayaa ka hadlay ujeedka boqashadiisa  waxana uu u mahadceliyay madaxda Soomaaliyeed sida wanaagsan ee loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

“Safarkeyga waxaa uu u badanyahay xog ogaalnimmo, wareysi, dadka inaan kala war qaadannno, markaan intaas sameyno kadib ayaa wixii talo ah iyo ra’yi ah siyaasadeed aan ka hadli-doonnaa, laakin muhiimadda ugu weyn waxaa ay tahay inaan ogaado xaaladda uu dalka ku suganyahay, maadaama aan muddo ka maqnaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud  Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynihii  8aad ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ka maqnaa muddo 18 bilood  ah ayaa  sheegay in uu kulamo la yeelan doono siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Siyaasad marka laga shaqeynayo is xag-xagasho lagama waayo balse hadda dunida waxaa ku soo biirey Social Media oo ah mid aan loo nooleyn” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in haddii hubka la iska dhigey aysan si xun u isticmaalin baraha bulshada,isagoo sidoo kale ugu baaqay bulshada in wax walba oo baraha bulshada lagu arko aysan iska qaadan oo ay iska hubiyaan.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in marka uu dhagaysto dadka uu ra’yigiisa soo bandhigi doono waxana uu u mahadceliyay dadkii soo dhoweeyay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=66668

Posted by on Aug 30 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM