|

Akhriso:-Haween lagu maxkamadeynayay Mombasa oo Muuqaal duubis darteed markale loo xiray -Warbixin

Muqdisho (Horufadhi News)-Maxkamad ku taala magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayaa joojisay dhageysiga dacwad loo heystay labo haween oo ku eedeysan Al Shabaabnimo, kadib muuqaalo ay mobeyladooda ku duubeen.

Labada haween oo lagu kala magacaabo Feruz Hamid Abubakar iyo  Shamsa Abubakar, ayaa ka hor inta aysan bilaaban maxkamadeyntooda waxay duubeen muuqaalka goobta dhageysiga dacwadooda ka dhici laheyd.

Shaki badan ayaa galay garsooraha maxkamadda, markii uu arkay iyaga oo duubaya muuqaalka guud ahaaneed ee goobta, wuxuuna amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo oo baaritaan lagu sameeyay habka taleefanada casriga ku heleen iyo ujeedada muuqaalka ay ka leeyihiin.

Qaadiga maxkamadda magaalada Mombasa, ayaa amray in maalinta beri ah dib loosoo celiyo labada eedeysane oo loo heysto falal la xiriira argagixisanimo.

Chacha Mwit, oo ah qareenka labada haween ayaa codsaday inay maxkamadeynta sii socoto, balse garsooraha ayaa ka diiday dalabkiisa.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=66661

Posted by on Aug 30 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...