|

Deg Deg:-Hargeysa Ciidamadda Soomaliland oo gacanta ku dhigay Wasiiro kasoo goostay Dowlad deegaanka-Akhriso

Hargeysa (Horufadhi News)- Sida aan xogta ku heleyno ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Wasiiro xilal ka hayay maamulka DDSI oo baxsad ahaa.

Wasiiradan oo ka tirsanaa Xukuumada Madaxweynihii is casilay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qabtay Garoonka magaalada Hargeysa.

Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay xili ay baxsad ka ahaayen maamulka DDSI, waxaana lasoo sheegayaa in si dhuumaaleysi ah ay kusoo galeen Somaliland.

Wasiirada baxsadka ahaa ee gacanta lagu dhigay ayaa kala ahaa Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Ibraahim Aadan Mahad iyo Wasiirka Caddaaladda Cabdi Jaamac oo dhinaca xuduudka Wajaale kaga soo gudbay si dhuumasho ah.

Wasiiradan ayaa la xaqiijiyay in magaalada Hargeysa aya ku dhuumaaleysanayeen muddo todobaad ah, hase yeeshee markii danbe lagu qabtay Garoonka xili ay sii dhuumanayeen.

Wasiiradan ayaa baxsad u ahaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka hase yeeshee waxaa Dukumiintiyadooda fashiliyay ciidamada.

Laamaha amaanka ayaa Wasiirada weydiiyay su’aalo la xiriira sharciga iyo aqoonsiga ay sitaan, kadibna waxay sheegteen inay yihiin ganacsato xoolaha ka ganacsata.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa gudaha Somaliland soo gaadhayay dadka kasoo cararayay rabshadihii magaalada Jigjiga ka dhacay, kuwaasi oo qaarkood ay lasoo baxsadeen hanti oo Dawladda Somaliland gacanta ku dhigtay.

Dhawaan ayay aheyd markii maamulka Somaliland uu ka digay in mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan maamulka Soomaalida Ethiopia sharci daro kusoo galaan Somaliland.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=66428

Posted by on Aug 23 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Deg Deg:-Hargeysa Ciidamadda Soomaliland oo gacanta ku dhigay Wasiiro kasoo goostay Dowlad deegaanka-Akhriso”

  1. oromada cid ma ka qabteen mise somalida uun baa la hayaa waar waa shaqayanayaan boliska somalilantu …mise oromadu waa walaalahena
    in kastoo oromadii tidhi idinku oromo sheegta hadaad isaaq tihiin anagu dir kuma abtirsan karee halkaana talo baa looga baahanyahay/

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...