|

Faallo:-Puntland ma Adhigii ay shacabka aruursanayeen baa ka dhamaaday!!.

Garoowe (Horufadhi News)-Indhawayd xaalada siyaasadeed ee deegaanada dadkii lahaa taladooda laga fara maroojiyey ama si kale dheh ayagu wareejiyey ee reer Khaatumo waxaa ka taagnaa Bardoodan labada maamul ee hareeraha ah ee cadowga u ahaa awelba dadkaasii isku tuur tuureen dhawr jeer.

Kolkii xaqii feedhaha ka dilaacay, labadii dagaal ee deegaanka u dhexeeya Faliidhyaale iyo Tukaraq ka dhacay wuxuu uun ahaa Jug , jug meeshaadii joogii. Hadana 3 bilood ayaaba ka soo wareegtay iyo ka badan dagaaladaas, markii dagaalku dhacay iyo ka hor ba waxaa warbaahinta is qabsanayey maleeshiyaad ururin iyo Adhyo aruursi dhanka PL ah.

Xaga Somaliland inta badan waxoodu wuxuu ahaa qarsoodi oo ayagu waa is maamuleeyaan ama is dawladeeyaan inkastoo qabiil uusan dawlad noqon karin. Sikastaba ha ahaatee Masuulkii dhaaranayey maanta wuxuu uun ka dhigan yahay ninkii reer Mudug ee Wadaad ku yidhi 114ka iyo boqolka Quraankaan aqaanaa ee ugu jawaabay”’ Hadee yaa kaa akhrisanaya”’!!.

Hada sheekadani waa Hilib doon, deegaanka xaaladiisa waxaa kaliya oo lagu xalin karaa waa in talada dadkii lahaa lagus oo celiyo. Puntland dagaalka SSC inay ku guulaysato yeysan sugin inta ay dadkan Taladooda ay dhacday, XIldhibaanadooda ay dhacday iyo sharaftooda ay kufsatay soo celinayso. Somaliland dadkan yeysan ka sugin Somaliland-nimo Sanka la iskaga tolayo inteey Dibjiriinta iyo maleeshiyaadka dhulkooda ka saarayaan waxa run ah inaan qolona guul gaadhi doonin.

 

Puntland dadkan waa kaga sii fogaanaayaan inay maalin walba talada siyaasadda ee SSC farageliso ayagana kala xado, odyaaasha dhaqankana kala qayb qaybiso. Xildhibaanada Xamar joogana kolba ka xaadiriso Garoowe.

Ugu Danbeyn dadkan SSC Adhi iyo Geel danbi yaan Bug bug la idin kaga cunin.

Xasan Dabayl

Sweden

horufadhi

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=66314

Posted by on Aug 19 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Faallo:-Puntland ma Adhigii ay shacabka aruursanayeen baa ka dhamaaday!!.”

  1. Dagaal baa dhacaya ee dahabka iyo Ayuutada soo dira Nimankan waa Xarfaan lacagay sii aruuursanayaaan Qurba joogta looga gurtaa

  2. Waa sanad wax yar la,a inta ay wadeen dig dig iyo dagaal ayaa dhacaya
    War wuxu xishood daranaa alla idin doori waa iska dumar

  3. hadii ay wadeen deg deg waad arki doontaan ama iidoor ahow ama kuwa dabada u dhaqa iidoor ahow karbaashka idin ku dhaca waad arki doontaan tan kale adeer dhulka reer baa iska leh wiil gabilay iyo burco in uu ka taliyo ma dhici karto laakiin kuwada dhulbahante ee kaba qaadka ah ayaa dadkooda u dulaynaya oo ay ka mid .
    xasan dabaylow xoolaha la keenay ma lahayn reerkiinu waa xoola harti haday iibsadaan iyo haday qashaan wax adiga kaa saaran ma jiraan iska noolow qaxootigaga adeer rag ayaa u dhintay xoraynta dhulka adana caqligaagu waxa uu ku seeyey Puntland ma Adhigii ay shacabka aruursanayeen baa ka dhamaaday bilaa caleek marka aad bixinaysid ra’yi wax dadku kugu fahmo ama talo ayaa la keenaa hadal nin wayne ku hadlow ma aha ee ka feerso hadalada qaarkood waxaan filayaa in aad tahay taageerayaasha Cali ordaaye waayo lexejeclo kaama hayso wadankaaga waxaad rabtaan in aad iidoor hoos fadhidaan oo idin caayaan un ileen bahdliaadaad ka heshaane waxa hargaysa laydun ku hayo ama dunindaan la joogo reer la gumaysto waa xero dhulbahante.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...