|

Shirkadii Shidaalka ka qodaysay Dhulka Soomaalida Itoobiya oo Shaqaalaheedii la baxday iyo warar soo baxaya-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Sida uu qoray Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Adis Ababa shirkadaha shidaalka ka helay dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa billaabay in ay shaqaalahooda kala baxaan degaannadaas.
Waxaa uu Wargeysku sheegay in shaqaalaha la geeyay magaalada Adis ababa, iyada oo sababta lagu sheegay amniga gobolka oo ka sii daraya darteed.
Poly GCL Petroleum, oo ah sharikadda shidaalka ka heshay dhulka Somaalida Itoobiya ayaa todobaadkan biloowgiisii shaqaalaheeda diyaarado kaga daabushay Adis ababa.
Isha uu soo xigtay Wargeyska ayaa sheegtay in inta badan shaqaalaha laga saaray gobolka ay yihiin kuwa u dhashay dalka China.
Sharikadda diyaaradaha Itoobiya ayaa joojisay duulloimaadyadii ay ku tagi jirtay Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka kaddib markii rabshado ay ka dhaceen todbaadkii hore.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=66046

Posted by on Aug 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Jiifdiid: Dagaal baa dhacaya ee dahabka iyo Ayuutada soo dira Nimankan waa Xarfaan lacagay sii aruuursanayaaan Qurba...
  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...