|

Mucaaradka Soomaliland oo safaro ku jooga Nairobi iyo Addis-Ababa+Qorshaha-Akhriso

Hargeysa (Horufadhi News) – Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland UCID iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa safaro kala duwan ku jooga dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Cirro iyo Faysal oo ay socdaaladoodu yihiin kuwo kala duwan, ayaa waxa ay safaro lagu sheegay kuwo shaqo ku joogaan Nayrobi iyo Addis Ababa.

Si rasmi ah looma garanayo ujeedada ay u tageen madaxda mucaaradku dalalka gobalka isku wakhti, laakiin guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa isagu saxaafadda ka soo muuqday isagoo kulamo la qaatay qaar ka mid ah dalalka deeq bixiyayaasha iyo qaar ka mid ah jabhadda ONLF.

Guddoomiye Cabdiraxmaan-cirro ayaa isna khamiistii safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, welina lagama hayo wax war ah oo la xidhiidha ujeedada socdaalkiisa iyo cid uu la kulmay.

Socdaalka masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka ee gobalka ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay wakhtigan gobalka Geeska Afrika ka socdaan dabaylo isbedel oo ka bilaabmay Itoobiya, laakiin si yar si yar ugu faafaya gobalka Geeska.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=66043

Posted by on Aug 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Jiifdiid: Dagaal baa dhacaya ee dahabka iyo Ayuutada soo dira Nimankan waa Xarfaan lacagay sii aruuursanayaaan Qurba...
  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...