|

Dowladda Sucuudiga oo war kasoo saartay Xoolihii Soomaaliya laga soo dhoofiyey ee ay soo celisay-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Dowladda Sacuudiga Carabiya ayaa war ka soo saartay xoolihii ay dhowaan dib ugu celisay Soomaaliya, kaasoo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Deegaanka, Dhirta iyo Biyaha ayaa lagu sheegay in xoolaha laga soo dhoofiyay Soomaaliya lagu sameeyay baaritaano.

Xoolahan oo ahaa 27,000 oo neef ari ahaa ayaa la sheegay in laga helay cudurka ku dhaca xoolaha ee lagu magacaabo (Rift Valler Fever).

Xoolahan ayaa dib loogu celiyay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, halkaasoo markii hore Markab looga soo qaaday.

Tallaabada dowladda Sacuudiga ay dib ugu celisay xoolo laga soo dhoofiyay Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya la safatay Sacuudiga khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalka Canada.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=66035

Posted by on Aug 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Nin dhib wada oo la xidhay maxa ka khuseeya Guddoomiye Barlamaanka Soomaaliyeed Mr.Mursal? Ninka la xidhay...
  • Abdi: Dawladda Federaalku waa ku saxan tahay in xabsigga dhigto Mukhtaar Roobow iyo ciddii daba orodaba, waayo...
  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.