|

Daawo:-Soomaliland Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koorre oo maanta loo dhaariyey Xilka Wasiirnimo 9 Bilood kadib-Video

Hargeysa (Horufadhi News)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa maanta madaxweynaha Somaliland hortiisa ku dhaariyay Wasiirka wasaaradda biyaha ee Somaliland Saleebaan Cali Koorre.

Wasiirka oo lala dhaariyay xubnaha komishanka xuquuqul insaanka Somaliland ayaa waxaa uu ku dhaartay dhaartii Dastuuriga ahayd.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Golaha wasiiradda Somaliland ayaa waxaa la dhaariyay intooda badan muddo hadda laga joogo 6 bilood, hase ahaatee wasiir Koorre ayaan wakhtigaas ku jirin wasiiradii la dhaariyay, iyadoo aan la sheegin sababta aan wakhtigaas loo dhaarin, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in uu dalka ka maqnaa markii la dhaariyay wasiirrada.

Weli waxaa isaguna aan la dhaarin oo kamid ah golaha wasiirrada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=66063

Posted by on Aug 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Nacas, beenwaas Horufadhi website.
  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok