|

Daawo:-Puntland oo hal arin darteed ugu gacan saydhay dhex dhexaadintii Beesha Caalamka iyo xaalad cusub-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweyne ku xigenka Maamul Gobaleedka Puntland Cabdixakiim Camey wuxuu sheegay in dagaalka Tukaraq uusan joogsan doonin inta Ciidamada maamulka  Somaliland ay ku sugan yihiin taako kamid ah xuduudaha Puntland, isagoo caddeeyay in aysan waxba iska beddelin mowqifkoodii ku aaddanaa xoraynta degaannada ay Somaliland ka haysato Puntland.

“Dagaalkani isma taagayo, sidaan horeba u sheegay, maba qarsadaba dee anigu, inta taako dhulkaas ah lagu jiro dagaalkan ma istaagayo” ayuu yiri Camey.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in nabadda laga raadinayo colaadda Tukaraq ay tahay mid qoor-qabasho ah ee aysan ku imaan hannaankii loo baahnaa, sidaasi darteedna marnaba aan la aqbali karin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Puntland marnaba nabada ma diidana,laakiin waxan kuu sheegayaa nabadgelyo qoor-qabasho ah dadkan asalna uma laha, dhaqanna uma laha,weligeedna ma dhicin horena uma dhicin gadaalna uma dhici doonto” ayuu yiri Camey.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa bilaaabay dedaal ay ku dhexdhexaadinayaan colaadda Puntland iyo Somaliland ee degaaanka Tukaraq.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=66049

Posted by on Aug 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...