|

Markab Xoolo Nool siday oo Sucuudigu soo celiyey oo ku wajahan Dekedda Boosaaso-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Markab Xoolo sida oo laga soo celiyay Sacuudiga ayaa saacadaha soo socda ku soo wajahan Dekeda Boosaaso ee Gobolka Bari, halkaasoo maalmo ka hor uu ka shiraacday.

Markabkan oo lagu magacaabo Alpha ayaa sida 28,000 oo neef ari ah, waxaana uu u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamulka Puntland C/llaahi Sheekh Axmed ayaa xaqiijiyay in Sacuudiga ay dib u soo celiyeen Markabka sida xoolaha ariga

“Markabkan waa la soo celiyay, wuxuuna ku soo wajahan yahay Dekeda Boosaaso, oo maalin dhoweyd uu ka shiraacday, waxaa la soo sheegayaa in laga helay cudur, annaguna waxaa aaminsanahay in aanu jirin warkaas”ayuu yiri Wasiirk Xanaanada Xoolaha oo la hadlayay idaacada BBC-da

Sacuudiga ayaa weli si rasmi uga hadlin sababta ka dambeysa dib u soo celinta Markabka Xoolaha sida oo ahaa kuwo loogu tala galay Ciidul Adxa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in dib loo fasaxay xayiraadii Xoolaha ay saartay Sacuudiga, mana jirto war ay ka soo saartay tallaabada ay Sacuudiga u soo celisay Xoolaha.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65964

Posted by on Aug 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...