|

Daawo:-Maamulka Puntland oo meel adag iska taagay wada hadalka Soomaliland iyo Dagaalkii-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Madaxweyne ku xigeenka Maamul Gobaleedka Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey) oo wareysi siinayey telefishinka RTN  ayaa meel adag ka istaagay wada-hadalka ay IGAD dhexdhexaadinayso ee la sheegay in lagu xallinayo colaadda Tukaraq.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabdixakiin Camey wuxuu sheegay in aan dagaalka Tukaraq istaagi doonin inta ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin taako kamid ah xuduudaha Puntland,isagoo caddeeyay in aysan waxba iska beddelin mowqifkoodii ku aaddanaa xoraynta degaannada ay Somaliland ka haysato Puntland.

“Dagaalkani isma taagayo, sidaan horeba u sheegay,maba qarsadaba dee anigu,Ibraahim inta taako dhulkaas ah lagu jiro dagaalkan ma istaagayo”ayuu yiri Camey isagoo raaciyay”Muuse iyadoo dhulkii laga qabsaday iyo dadkii oo ka dhintay iyo in uu guuro oo dhulkii banneeyo wax ka dhexeeya ma jiraan”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa madaxweyne ku xigeenku sheegay in nabadda laga raadinayo colaadda Tukaraq ay tahay mid qoor-qabasho ah ee aysan ku imaan hannaankii loo baahnaa,sidaasi darteedna marnaba aan la aqbali karin.

Dabeecadeyada Puntland maaha marnaba in aan nabad diidno,laakiin waxan kuu sheegayaa nabadgelyo qoor-qabasho ah,dadkaan asalna uma laha,dhaqanna uma laha,weligeedna ma dhicin horena uma dhicin gadaalna uma dhici doonto”ayuu yiri Camey.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka ayaa ku jees-jeesay xubnaha Beesha caalamka ee dhexdhexaadinta ka wada colaadda Puntland iyo Somaliland,isagoo yiri”waxaan kuu hubaa wax badan oo la soo kordhiyay in aanay jirin. Hawshu waa soconaysaa,iyana habeen-dhaxooda ha iska qaateen”.

Hadalka Camey ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Beesha caalamku ay dhexdhexaadinayso colaadda Puntland iyo Somaliland ee degaaanka Tukaraq,si aan mar kale dagaallo halkaasi uga dhicin.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65970

Posted by on Aug 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Maamulka Puntland oo meel adag iska taagay wada hadalka Soomaliland iyo Dagaalkii-Video”

  1. Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na wuxu u shaqeeya Puntland. Puntland na dhul kama maqna. Sida darteed, wuxu madaxweyne-Ku-Xigeenku ku hadlaya waa hal bacaad lagu lisay.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...