|

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo go,aan ka gaadhay xiisada culus ee ka taagan Gobalka Soomaalida-Akhriso

Muqdisho ( Horufadhi News)  Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo shir khaasa la yeeshay Wasiirada Xukuumadiisa ayaa kala hadlay xiisada ka taagan dhulka Soomaalida ee sii kordhineysa dhiiga daadanaaya.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa Wasiirada Xukuumadiisa hordhigay sida laga yeeli lahaa xiisada waxa uuna kala tashtay inay muhiim tahay in arrinta xiisada DDSI ay xukuumada u wakiilato xubin ka tirsan Wasiirada waxaana leysku raacay in loo xilsaaro Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia.

Intaa kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa Golayaasha maamulka Soomaalida Ethiopialagu wargaliyay in wixii khuseeya arrimaha maamulka ay kala tashan doonaan Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde.

Golayaasha maamulka ayaa waxaa lagu wargaliyay in mudada lagu guda jiro marxalada cakiran ay howlaha xiisada iyo go’aan ka gaaristeeda kala xiriiri doonaan Wasiir Axmed Shidde oo mudadaasi kasii howlgali doona magaalada Jigjiga.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Abiy ayaa Golayaasha u cadeeyay in Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde uu taagan yahay booskiisa, isla markaana ay muhiim tahay in lagu dabafeylo.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaani ayaa muujineysa in Dowlada Ethiopia ay iska fogeyneyso faragalin iyo eedeymo kaga imaada dhanka Soomaalida Ethiopia.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65935

Posted by on Aug 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Duul Allaw, maxaa ka khuseeya Sacuudi, oo adduunkii muslim iyo muslim ma ahe laga yaabay...
  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...