|

Deg Deg Daawo:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shaqadii ka joojiyey ku xigeenkii Wasiirka arrimaha dibadda-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaqada looga joojiyay Wasiir kuxigeenkii Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa dhowaan ku soo oogay Wasiir kuxigeenka dacwad ku saabsan kutagri fal hantida Qaranka, iyadoo Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu sheegay in Maxkamad awood u leh kiiskiisa loo gudbin doono.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sabtidii la soo dhaafay ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka u tababaran ay galeen xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyagoo isku dayay inay xiran Wasiir kuxigeenka, hase ahaatee ku fashilmay, markii uu buuq iyo is mari uu ka dhashay qaabkii ay rabeen in xarunta Wasaaradda ugala soo baxaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku cambaareysay tallaabadaas, kuna tilmaamtay mid sharafka iyo sumacada looga dilayo Wasaaradda, waxaana waxba kama jiraan ka soo qaaday eedeynta Hanti dhowrka iyo Xeer Ilaaliyaha u jeediyeen Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65956

Posted by on Aug 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...