|

Daawo:-Sucuudiga oo qaaday Talaabo dhirbaaxo ku ah taageeradii ay u muujisay Dowladda Soomaaliya-Video+Warbixin

Muqdisho (Horufadhi News)-Markab siday ku dhawaad 30 kun oo neef oo xoolo Soomaalida ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in laga soo celiyay dalka Sacuudiga.

Markabkan ayaa la sheegay inuu ku soo wajahan yahay dekeda Magaalada Bosaaso oo uu markii hore uu ka shiraacday.

HALKAN DAAWO VIDEO

Sacuudiga oo horay u xayiray xoolaha  Soomaalida ayaa sheegay inuu Xayiraadii ka qaaday xili dhow waxayna xoolahan la soo celiyey ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee ku  dhoofa fasaxa ay dalkaasi ku ogolaadeen inay xoolaha Soomaalidu dalkooda la geyn karo.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili lagu guda jiro waqtigii acmaasha xajka oo uu Sacuudigu qaadi jiray Xoolaha Soomaaliya laga soo dhoofiyo xiligan oo kale .

Majirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka Sacuudiga iyo ganacsatadii xoolahan dhoofsatay.

Talaabadan ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli dowlada Somalia ay taageertay mowqifkii ay dowlada Sacuudigu xiriirka ugu jartay dowlada Canada oo khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhex galay, iyadoo talaabadan Sacuudigu ku soo celiyey xoolaha Soomaalida ay weji gabax ku tahay dowlada Somalia.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65941

Posted by on Aug 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...