|

Akhriso:-Maxaad ka taqaan xubnaha Golaha Wasiirada ee heysta dhalashada Canada ?

Muqdisho (Horufadhi News)-Inkastoo dowladda Soomaaliya ay la safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Canada ayaa hadana xubanaha dowladda ku jira sida Golaha Wasiirada, Xildhibaanada labada aqal, taliyeyaasha ciidamada iyo agaasimayaasha qaar waxay heystaan dhalashada dalka Canada.

Mowqifka Dowladda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ayaa dhaliyay dood iyo hadal heyn hareysay baraha bulshada, taasoo dad badan ku tilmaaman mid degdeg ah oo fudeed ka muuqday.

Dadka qaar ayaa tusaale u soo qaadanaya hab dhaqanka labada dowladood iyo cida Soomaaliya taageertay, kaddib burburkii dowladda Dhexe, iyadoo Canada ay ku nool yihiin Soomaali fara badan, kuwaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, heystana dhalashada dalka, qaarkoodna xilal Ka haya, sida Wasiirka Socdaalka dalkaas.

Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa labaatankii sano ee la soo dhaafay dalkeeda ka soo tarxiishay muwaadiniin fara badan oo Soomaaliya.

Arrinta kale oo layaabka ayaa ah inta badan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ay yihiin kuwo heysta dhalashada dalka Canada, oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo qoraalka laguma safray Sacuudiga ka soo baxay Wasaaraddiisa.

Haddaba akhriso xubnaha Wasiirada ee heysta dhalashada dalka Canada:-

1- Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad
2- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac
3- Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil
4- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaae
5- Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamdd Xasan
6- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin
7- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre
8- Taliyaha Nabadsugida Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen, 9 Senator iyo Xildhibaano Golaha Shacabka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65937

Posted by on Aug 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Jiifdiid: Dagaal baa dhacaya ee dahabka iyo Ayuutada soo dira Nimankan waa Xarfaan lacagay sii aruuursanayaaan Qurba...
  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...