|

Dowladda Itoobiya oo Digniin culus u dirtay Axmed Madoobe-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News) –Dowladda Itoobiya ayaa digniin culus siisay hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo booqasho ku tagay Magaalada Adis Ababa.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa loo soo sheegay inuu faraha kala baxo arrimaha maamulka Soomaalida Itoobiya hoos tagto.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada dowladda Itoobiya ayaa Axmed Madoobe si cad ugu sheegay inuu arrimahaas faraha kala baxo haddii kale ay dowladda Itoobiya tallabo ka qaadi doonto.

Sida ay xaqiijiyeen xubno la socday Axmed Madoobe, dowladda Itoobiya ayaa u sheegtay in go’aanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay leedahay dowladda Federaalka ee dalkaas isla markaasna aan lagala tashan doonin Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo Safar ku joogo Magaalada Adis Ababa ayaa  waday olole uu ku doonayey inuu ku dhexdhexaadiyo dowlada Federaalka Itoobiya iyo Maamulka deegaanada Soomaalida ee Itoobiya kadib khalalaaso siyaasadeed oo halkaas ka taagnaa.

Axmed Madoobe ayaa doonayey inuu maamulka sii hayo Cabdi Iley oo hadda ku jiro gacanta Militariga Itoobiya Balse nasiib darro si qasab ah ayaa xilka looga qaaday habeenkii uu Axmed Madoobe gaaray Adis Ababa subaxii xigay.

Ciidamada Militeriga Ethiopia ayaa weli gacanta ku haya Ammaanka magaalada Jigjiga waxaana intooda badan laga soo saaray xarumo muhiim ah oo laga dajiyay magaalada waxaana aad u yar isu socodkii dadka iyo gaadiidka.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii degenaa magaalada ayaa gobollada kala aaday waxa ayna ciidamadu yihiin kuwo wali xir xiraaya Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis oo iyagu garabsiiyay Madaxweynihii hore ee xariga loogu abaalmariyay.

Saraakiisha iyo Ciidamada maamulka ee ilaa iyo hadda ay xireen ciidamada Militeriga Ethiopia ayaa gaaraya ilaa 15 kuwaasi oo loo heysto inay jabsheen sharciga ciidanka.

Sidoo kale, boqolaal qoys oo ku sugnaa magaalada xadka ku taalla ee Wajaale ayaa u tallaabay dhanaka Somaliland, inkastoo aysan dhibaato ka dhicin halkaas haddana dadka ka cabsi qabay in rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga Sabtidii ay halkaas ku faafaan.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in xil ka qaadista Madaxweynihii hore ee maamulka ay tahay mid xasilooni u ah dhulka Soomaalida.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65919

Posted by on Aug 8 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Jiifdiid: Dagaal baa dhacaya ee dahabka iyo Ayuutada soo dira Nimankan waa Xarfaan lacagay sii aruuursanayaaan Qurba...
  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...