|

Daawo:-Maamulka Khaatumo oo sheegay in uu burburay wada hadalkii ay Soomaliland kula jireen-Video

Laascaanod ( Horufadhi News ) Maxamuud Cali Caananuug    Madaxwyne ku xigeenkii Khaatumo  oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka hadlay Xaalada Buuhoodle,    Qaraxii dhowaan halkaasi ka dhacay iyo Hadalkii kasoo yeedhay Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo Arintaasi ku eedeeyay Somaliland.

Dhinaca  kale wuxuu ka hadlay Halka uu ku dambeeyay Heshiiskii  Khaatumo ay la gashay Somaliland,   Wuxuuna sheegay in dhinaca Somaliland uu ka socon waayey Heshiiskaasi, Islamarkaana dhinaca Khaatumo ay diyaar ka tahay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Somaliland Heshiis ayaanu galnay, Hadii ay Fulin waydo Halkii ayaanu ka Bilaabi doonaa,   Somaliland hada waa Dawlad ku kooban Reer kaliya,   Markaa Adeeroow Reer Xukumaya Reer kale ma Jiro, hadii aan waxba la Qaybsan karin,  Waxaanu nahay dad Xor ah”.

Isagoo ka hadlayey Xaalada Tukaraq ayuu  sheegay in wixii Somaliland ay shalay diiday  ee ahaa Ciidankii Dawladdii dhexe,  Aan maanta la Aqbali karin in deegaanada Khaatumo la geeyo Ciidanka Somaliland oo duulaan ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65906

Posted by on Aug 8 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...