|

Jamhadda ONLF oo war kasoo saartay Madaxweynaha cusub ee Soomaalida Itoobiya-Akhriso

Jigjiga (Horufadhi News) – Iyada oo galinkii danbe ee shalay uu iscasilay madaxweynihii Dowlad deegaanka Soomaalida mudane Cabdi Maxamed Cumar loona magacaabay madaxweynaha Cusub Axmed Cabdi Maxamed,oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee nidaamkii Cabdi Maxamed Cumar, ayaa dhaliilo lasoo jeedinayaa.

Isbadalka ka dhacay dowlad deegaanka waxaa ka hadlay Jabhadda ONLF, Cadaani Hiirmooge oo ah Afhayeenka Jabhaddaa ayaa arrintaas kala hadlay qaar kamid ah Idaacadah Muqdisho isagoo dhaliilo u jeediyey Madaxweynaha cusub .

Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uusan wax isbedel ah ku soo kordhin doonin dhibaatooyinka ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed uu leeyahay dhaqankii Cabdi Maxamuud Cumar,isla markaana uu sidoo kale ku shaqeeyo fikirka ka yimaada madaxweynihii ka horeeyey ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge(Cadaani) ayaa hadana waxaa baraha bulshada lagu dhaliilayey Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida,iyada oo lagu tilmaamay in uu yahay nin dhibaateeya Soomaalida.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65859

Posted by on Aug 7 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Jamhadda ONLF oo war kasoo saartay Madaxweynaha cusub ee Soomaalida Itoobiya-Akhriso”

  1. Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...