Daawo:-Soomaliland oo ka cabaaday Taliye Gobalka Sanaag ka abaabulaya Jamhad kasoo horjeeda Maamulka Muuse Biixi-Video
Hargeysa (Horufadhi News)-Maamulka Somaliland ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan ciidankeeda uu abaabul jabhadeed ka wado gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaan 15 KM u jira degmada Qardho ee Puntland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar ayaa sheegay in Col. Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo ka tirsanaa ciidanka Millatariga Somaliand uu isagu hawshan ku mashquulsan yahay, hase ahaatee ay tallaabada ku habboon ka qaadi doonaan.
Taliye Caarre ayaa sheegay in uu saluugay nidaamka dawladeed ee hadda ka jira Somaliland, isla markaana uu doonayo in uu dib u xorayn ka bilaabo Somaliland.
Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65883