|

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Saaka lagu toogtay Xaafad kamid ah Muqdisho-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Kooxo hubeysan ayaa saaka degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dilay askari ka tirsan Ciidanka Booliska, iyagoo dilka baxsaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in askariga lagu dilay xaafada Buundooyinka, gaar ahaan meel u dhow hoygiisa oo uu saaka ka soo baxay.

Wararka ayaa sheegaya in askariga la dilay uu ka tirsanaa Laanta Dambi baarista CID ee Booliska Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan Booliska Saldhiga degmada Waaberi ayaa gaaray halka dilka ka dhacay, inkastoo ay goobta tageen mar ay baxsadeen kooxihii dilka geystay.

Dilalka qorsheysan oo lagu beegsanayay askarta ayaa maalmihii u dambeeyay isa soo tarayay, waxaana dhowr habeen ka hor masaajid ku yaalla degmada Xamar Jajab lagu dhex dilay askari u taagnaa rakcadii u dambeysay ee salaaddii cishaha.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65867

Posted by on Aug 7 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Jiifdiid: Dagaal baa dhacaya ee dahabka iyo Ayuutada soo dira Nimankan waa Xarfaan lacagay sii aruuursanayaaan Qurba...
  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...