|

Umaddu markey isku tashi diido Tusaale waxaa kuugu filan Dhacdooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood-Akhriso

Laascaanood (Horuadhi News)-Waxyaalaha tusaalayaasha waa weyn ah ee Bini’aadanka iyo Xayawaanku ku kala duwan yihiin waxa ka mid ah ismaqalka iyo kala Danbeynta. Hadaad aragto xayawaan isku Jinsi ah oo iscunaya ku kalane gadaal intuu uga yimaado cunayo waxay ka mid tahay is loolanka dhedooda ee codwgoodu ka faa’idesanaayo. Waxa la mid ah dad ilaahay Dhul, Bed iyo Dad siiyey oo ¬†wada tashan waayey maalin walbana ka , ka dhaqaaqaya hortooda lagu qalanayo.

Tusaale Laascaanood waxaa waxaa jooga 8kun oo Askari oo ciidan ah oo Soomaali ah, oo isku beel u badan , hadana maalinkasta waxaa lagu dilaa ruuxa ka dhaqaaqaya ama lagu dhaawacaa si daran, oo ay ugu Danbeysey Hooyo Ugaaso Xasan oo ah hooyo arimaha caafmaadka aad uga shaqeynaysey weligeedna gobolkeeda ana ka tegin. Waxa yaableh in la garan waayey magaalo kooban oo ay intaasoo ciidan hareer walba ka fadhiyaan ayaa 70 ruux oo lagu diley aan hal qof loo soo qaban.

Magaalooyinka deriskeeda ah Caynabo ugu xigtana weligeed Waxar laguma dilin, qaraxii Buuhoodle ee waxgalka lagu laayey wuxuu tusaale u yahay in magaalo ay ku nool yihiin dad 100kun oo ruux ka badan oo aan maamul lahayn, saldhig dhexe lahayn, gudi amni lahayn, oo ilaa hada xataa Raad yar la waayey” Waayo qabiil maaha arintanoo kale waa arin Farsamo iyo Taqaqus gaar ah u baahan”. Waana waxyaalah ay muhiim u tahay dawladnimada iyo maamulnimadu.

Nabi Muxamed CSW wuxuu yidhi 1,500 sano ka hor ”Inaad 3 habeen maamul la’aan noqotaan waxaa idin dhaanta in 60 sano uu idin haysto nin Faajir ah”. Xigmadu waxa weeye in meel maamul ka jiraa cidii doontaba ha xukuntee ay ka roon tahay meel jaantaa wadhan ah.

Dad badana hada waxayba u Hanqal taagayeen PL oo ay rajjo ka qabeen, PL waxay ka dhamaan weydey in maalinteey xanaaqdaba lagu maslaxo Kursi dadka deegaankaasi leeyihiin in ruux ayaga daacad u ah loo magacaabo, si xanaaqa looga bi’iyo.

Xataa waxaa jirtey in xataa tariikhdii dadkan ee Daraawiisheed ay dhul ahaana Nugaal u hoosgeliyeen oo magaaladooda Garoowe loogu yeedhey xarun Daraawiish, Faroolena kuwii la shaqeysan jirey Guaystaha intuu xafiis Madaxaf ahaana u Yagyeeshay oo uu dhahay waa ragii soo halgamay. Waa ANFARIIR, waase Ku-day, dad dhintay Taariikh ahaan, ismaqal ahaan, umadda ahaan, iyo deegaan ahaan, dhawaan xataa Magaca xataa hadii laga bedelo waa mid aan la yaab noqon doonin.

Horufadhi news online

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65820

Posted by on Aug 6 2018. Filed under fikradaha, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Jiifdiid: Dagaal baa dhacaya ee dahabka iyo Ayuutada soo dira Nimankan waa Xarfaan lacagay sii aruuursanayaaan Qurba...
  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...