|

Deg Deg:-Madaxweynaha cusub ee Kililka oo lagu dhawaaqay iyo Cabdi Maxamuud Cumar oo iscasilay-Akhriso

Jigjiga (Horufadhi News ) Madaxweynihii Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa haatan iscasilay, Sidda lagu baahiyey qaar kamid ah warbaahinta ka Howlgasha deegaankaasi, oo uu ka mid yahay Telefishinka Universal oo Xidhiidh dhow la leh maamulka Soomaalida Itoobiya.

Waxaana Wararku ay sheegayaan in lagu dhowaaqay Madaxwayne ku cusub, Arintan ayaa kusoo Aadayso iyadoo deegaanka ay Rabshado ka dhaceen, Kadib markii ay Xarumaha dawladda ee Jigjiga ku Waabariisteen oo ay Qabsadeen Ciidamada Dawladda Federaalka Itoobiya, Taasi oo dhalisay Kacdoon iyo Rabshado inay deegaanka ka dhacaan.

Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u Magcaabay Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida itoobiya Axmed Cabdi Maxamed ( Ilka-case )  Wuxuuna ahaa wasiirkii maaliyada ee Xukuumaddii Cabdi Maxamuud cumar,  Wuxuuna  kasoo jeedaa deegaanka Dhanaan ee gobolka Qoraxay.

Qof ku sugan magaalada Jigjiga ayaa sheegay in magaalada ay la wareegeen ciidanka millatariga dawladda federaalka Itoobiya, Iyadoo Ciidankii Liyuu booliska laga saaray magaalada.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65849

Posted by on Aug 6 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Jiifdiid: Dagaal baa dhacaya ee dahabka iyo Ayuutada soo dira Nimankan waa Xarfaan lacagay sii aruuursanayaaan Qurba...
  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...