|

Daawo Waraysi:-Waa kuma Madaxweynaha cusub ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya-Video

Jigjiga ( Horufadhi News) Waxaa maanta oo Isniin ah  gelinkuu dnabe is casilay Madaxweynihii Dowlad Deegaanka Somaliya Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kadib Cadaadis xoogan oo mudooyinkaba uga imanayay Dowladda Federaalka Itoobiya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaana Xilkaasi  loo Magacaabay Axmed Cabdi Maxamed oo ku magac dheer (ILKA CASE), kaasi oo soo Noqday Wasiirkii Maaliyada, isagoo sidoo kalena Xubin ka ah Baarlamaanka Dawlada degaanka Soomaalida.

Madaxweynaha Cusub ee Dowlad deegaanka Somalida Itoobiya oo ah nin da’yar , Wuxuu ku dhashay sanadii 1986di  degmada GARBO ee Gobolka Nogo, isagoo 2012kii ka baxay Jamaacada Diridhabo, Wuxuuna sidoo kale 2017kii ka baxay Jamaacada BAHARDAR.

Waraysi uu siiyey Idaacadda BBC-da ayuu kaga hadlay Qorshaha Horyaala, Xaalada Madaxwaynihii Hore  ee Xilka ka degay iyo  Xidhiidhka kala dhaxayn kara Xukuumadda uu Hogaamiyo Dawladda dhexe ee Itoobiya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65853

Posted by on Aug 6 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...