|

Daawo:-Wararkii ugu dambeyay ee Qalalaasaha ka jira Dalka Itoobiya iyo Xog dhab ah-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Faahfaahino iyo warbixin ayaan idiinka haynaa xaalada magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan sagaal ruux oo u dhalatay dalka Jabuuti ay ku dhinteen isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Diridhaba.

Iskudhacyadan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhanka kalana wararku waxa ay sheegayaan in dhibaatadu ay u talowday dhinaca dalka Jabuuti halkaasna lagu dhaawacay labo ruux oo Oromo ah, sida uu sheegay taliyaha booliiska ee dalka Jabuuti Cabdullaahi Cabdi.

Taliyuha booliska dalka Jabuuti ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii weerarkaas qaaday.

Dowladda Itoobiya ayaa wufuud heer sare ah u dirtay dalka Eritrea si ay wadahadallo ula qaataan xubnaha ururka OLF ee ku sugan Eritrea, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Itoobiya.

Wufuudda waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu iyo madaxweynaha maamulka Oromada Lema Megersa, waxaana la filaya inay kulan Asmara kula qaataan hoggaamiyaha ururka OLF Dawud Ibsa.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65842

Posted by on Aug 6 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...