Home » July 30th, 2018 Entries posted on “July, 2018”

Daawo:-Gudoomiyihii Buuhoodle u joogay Maamulka Puntland oo iscasilay iyo waxybaaha uu daboolka ka qaaday-Video+Warbixin

Buuhoodle  (Horufadhi News)- Maxamed Xasan Faarax oo Puntland ugu magacownaa Gudoomiyaha Gobolka Cayn, oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada buuhoodle ayaa Sheegay inuu Iska Casilay Xilkii uu ka hayey Puntland. HALKAN KA DAAWO VIDEO Wuxuu sheegay inaysan Puntland ka Helin wax Adeeg ah oo Lagu Fuliyo Adeegyadda Caafimaadka, Amniga, Waxbarashadii iyo Mushaahaarkii, Wuxuuna sheegay in markii Arimahaasi […]

July 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo: Waraysi:-Gaas oo ka hadlay xaalada Tukaraq ,Soomaliland,Dowladda Soomaaliya iyo arrimo kale-Video

Garoowe ( Kalshaale) Cabdiweli Maxamed Cali Gaas madaxweynaha Puntland ayaaa waraysi uu bixiyey uga hadlay arimaha doorashada puntland 2019 oo ay ka dhiman tahay 5 bilood, dagaalada Tukaraq, xidhiidhrka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland, Musuqmaasuqa iyo hankiisa la xiriira in uu markale u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Puntland. HALKAN KA DAAWO VIDEO Gaas […]

July 29th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Khudbaddii Madaxweynaha Eritrea uu ka jeediyay soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Hadal-jeedinta Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki uu ka jeediyay munaasabadda soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa. Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Marti sharaf, Mudanayaal iyo Marwooyin, Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka dalka Eriteriya waxaa farxad weyn ii ah in aan idin ku soo dhaweeyo gurigiina labaad Mudane […]

July 29th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Imaaraadka oo Dowladda Soomaaliya ka sugaya inay raalli gelin ka bixiso dhacdadii Garoonka Muqdisho-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Imaaraadka Carabta ayaa shuruud ku xirtay dhex dhexaadin laga dhex wado iyaga iyo dowladda Soomaaliya, iyagoo dalbaday in marka hore raalli gelin laga bixiyo dhacdadii bishii April ee sanadkan, xilligaasoo garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu xanibay diyaarad laga lahaa Imaaraadka. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda […]

July 29th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Qaabkii Garoowe loogu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Khudbadii-Video+Warbixin

Garoowe (Horufadhi News)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay. Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, xubno ka tirsan Maamulkiisa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. HALKAN […]

July 29th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Deg Deg:-Shabaab iyo AMISOM oo madaafiic isku weydaarsaday duleedka Muqdisho-Akhriso

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in Al-Shabaab iyo ciidanka AMISOM ee saldhigga ku leh deegaanka Arbacow ay is weydaarsadeen madaafiic culus. Jugta madaafiicda la is weydaarsanayay ayaa laga maqlayay deegaanada duleedka ka ah magaalada Muqdisho. Wariye ku sugan Ceelasha Biyaha ayaa soo sheegaya in madaafiicda ay bilowdeen, kaddib markii dagaalamayaal ka tirsan […]

July 29th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan ka dhacaya Garowe iyo Ra’iisul Wasaare oo khayre oo ku wajahan

Muqdisho (Horufadhi News)-Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu wadaa in markii u horeysay todobaadkan uu ka dhaco magaalada Garowe ee xarunta Puntland, iyadoo saaka wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku wajahan yahay. Sida wararku sheegayaan wafdi horu dhac u ah Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay gaaray magaalada Garowe, kuwaasoo isugu jira Wasiiro iyo […]

July 29th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Farmaajo iyo dhigiisa Isias Afawerki oo arrimo xasaasi ah ka wada hadlaya-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriterea maanta gaaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay dhigiisa Eriterea Isias  Afawerki, waxaana intaa kadib loo galbiyay aqalka looga arimiyo dalka Eriterea. HALKAN KA DAAWO VIDEO Madaxweyne Isias  Afawerki iyo dhigiisa ayaa kawadahadlay arrimaha Siyaasada, […]

July 28th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Akhriso:-Taariikh cusub oo u bilaabatay xidhiidhka Diblamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Eritrea-Warbixin

Muqdisho (Horufadhi News)-Socdaalka madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Asmara ayaa u muuqda mid bog cusub iyo taariikh bilow ah ka dhigaya xirirka diblomaasiyadeed ee labad dal Soomaaliya iyo Eritrea. Booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo Saddex cisho ah ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo uga bilaabatay magaalada Asmara ee dalka Eritrea […]

July 28th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Xasan Shiikh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Turkiga ku kulmay wixii dhexmaray-Sawiro

Muqdisho (Horufadhi News)-Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. C/raxmaan C/shakuur oo si weyn u mucaaradsan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay inuu booqasho ugu tagay Xasan Sheekh. “Waxaan booqasho ugu tegey Madaxweyne Xasan Sheekh […]

July 28th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...