|

Gaas oo maanta dhagaxa dhigay dhismaha Dekedda Degmada Garacad-Akhriso

Garoowe (Horufadhi News)-Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigey deked cusub oo laga dhisayo deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Dhagax dhigida dekedan oo hore loo qorsheeyay inuu si rasmi ah u dhagax dhigo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa saacadihii ugu dambeeyay uu ka baaqsaday ra’iisulwasaaruhu inuu dhagax dhigo kadib markii cadaadis badan ay ugaga yimaadeen siyaasiyiinta dowlad goboleedk

Hase yeeshee Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan baahida  dadka kunool gobolka Mudug qeybta Puntland. Hase yeeshee Madaxweynaha

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas sidoo kale sheegay in dhowaan loo raadin doono dhismaha dekeda maalgelin iyadoo deegankana laga hirgelin doono mashaariic horumarineed.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dekeda Garacad ay maalgelin doonto dowlada Ethiopia. Maamul goboleedyada dalka ayaa waxaa ka bilowday tartan ah dhismaha dekedaha kadib markii dhowaan ay dowlada Ethiopia iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in maalgelin lagu sameeyo illaa afar dekedood oo dalka ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65586

Posted by on Jul 31 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...