|

Deg Deg:-Muuse Biixi oo goordhow xilkii ka qaaday xubno uu ku jiro Gudoomiyihii G.Sool ee Soomaliland Cabdikhayre Dirir-Akhriso

Laascaanod ( Horufadhi News ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto uu soo saaray madaxweyne ku sameeyay xil ka qaadis, magacaabid iyo isku-bedel ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumaddiisa.

1.  Maxamed Xuseen Faarax Xiirane waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha.

2. Mustafe Godane Cali Bile Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska

3. Cabdirashiid Xuseen Cabdille Gargaar  waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool.

4. Amaal Cabdi Xasan  waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada.

5. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi waxaa loo magacaabay agaasimaha wasaaradda warfaafinta .

Waxaa sidaasi xilkii looga qaaday badhasaabkii gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir, Sidoo kale waxaa Xilkiisa waayey
agaasimihii wasaaradda warfaafinta Somaliland Cali Axmed Cali (Cali Caliyow) kadib markii dhawaan uu khilaaf soo kala dhex galay agaasimaha iyo wasiirka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65573

Posted by on Jul 31 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...