|

Daawo:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Qardho-Video

Qardho (Horufadhi News)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray Magaalada Qardho ee gobalka Bari.

Wafdiga uu horkacayo ra’iisul wasaare Kheyre ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyay dadweyne faro badan oo safnaa wadooyinka soo gala magaalada Qardha.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Magaalada Qardho oo ah magaalo xarun u ah oday dhaqameedyo ayaa waxaa soo dhoweynta wafdiga ka qeybgalay fardo qurux badan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kula kulmi doona magaalada Qardho Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo qeybaha kala duwan ee bulsha kunool magaalada Qardho.

Dhinaca kale waxaa la filayaa Ra’iisul wasaaraha in uu ka qeyb galo oo uu soo xiro shir dib u heshiisiin ah oo dhawaanahan halkaasi uga socday beelo walaalaha oo wada daga deegaano kamid ah Puntland.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=65580

Posted by on Jul 31 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...