|

Xiisad ka taagan Magaalada Kismaayo iyo Taliyihii Ciidanka xoogga oo loo diiday-Akhriso

Muqdisho ( Horufadhi News) Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow oo shalay gaaray magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, kaddib markii saaka laga soo celiyay magaalada Kismaayo.

Wafdi uu hoggaaminayay Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ayaa waxaa wehliyay saraakiil ciidan, waxaana Taliyaha soo dhoweeyay maamulka degmada iyo Saraakiil ciidan.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Bogmadow ayaa sheegay inuu u yimid Garbahaarey sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ciidanka ee ka howl gala Jubbooyinka iyo Gedo, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya uu booqan doono goobaha ciidanka ku sugan yihiin.

Waxaa la filayaa in maalinta berri uu Taliyaha si rasmi ula wareego xilkiisa, isla markaana si toos u guda galo howshiisa hoggaaminta Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka oo fadhigooda yahay Jubbooyinka iyo Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa saaka dib u celiyay diyaarad uu la socday taliyaha cusub oo uu wehliyay Saraakiil uu ka mid ahaa Taliyihii qeybta 43aad ee xilka laga qaaday, waxaana Jubbaland ay sheegtay in aan lagala tashan magacaabida Taliyaha.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64854

Posted by on Jul 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.