|

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Riig qalaalse iyo xiisad dhexdhigay Dadka deegaanka Horufadhi geeyey halkas-Warbixin

Buuhoodle (Horufadhi News)-Deegaanka Horufadhi ee G.Cayn waxaa ka taagan khilaaf u dhexeeya dadka deegaankaas oo ka mid ah kuwa ugu midnimada badan deegaanada SSC oo dhan, arintan ayaa ka danbeysay ka markii Riig la sheegay inay hay’adaha caalamiga ah ku deeqeen halkaas ay ogolaansho ka heshay ina Camay lagu geeyey, waxase arintii ka dhashay khilaaf. Wararku waxay sheegayaan in hay’ada arinta gacanta ku haysay oo uu wakiil ka yahay ina Jaamac Biixi oo ka amar qaadanaya ina Cabdixakiim Camay ay ku kala qaybiyeen dadka deegaanka.

Odayaasha reer Horufadhi ayaa soo jeediyey in hadii Riigu yahay mid deegaanku lee yahay ay khalad tahay in shakhsiyaad gacanta loo geliyo ayadoo aan loo sameeyn gudi heer deegaan ah ama heer degmo ah. Balse waxa wararku sheegayaan in markii Cabdi CAMAY oo ah ku xigeenka PL uu arinta maqlay si badheedh ah ula saftay koox Buuhoodle ka timid oo doonaya inay ayagu Riiga gacanta ku hayaan isla markaana ay ka dhigaan mid shakhsiyaad gaar ah gacanta ku hayaan hadhawna ku Takri falaan.

Dacwad ayaa laga diyaariyey arintan ayadoo la doonayo in sidoo kale masuuliyiintii Hay’ada la gaadhsiiyo in waxii dhibaato ah ee arintaasi keento ay qaadanayso Hay’ada oo la siyaasadeeyey adeegii biyo raadinta ee deegaankaas oo aan lahayn Ceel Riig ah.

Inta badana reer Horufadhi oo ah dad aad isugu duuban ayaa marwalba ka cawday mashaacidooyin yar yar oo lagu soo dhex tuura kuwaasoo intoo badan Buuhoodle lagaga keeno isla markaana shakhsiyaad ku tagri falaan ay keento in dadka deegaan oo ah kuwa aad isugu duuban dhex dhigta khilaafyo aan loo baahneyn.

Faragelinta maamulka PL ee dagaalada ka wada Gobolka SOol ee deeganada Hawdka ayaa u muuqata qorshayaal colaad hurin ah oo ay abaabulayaan indhawaydba.

Faah faahinta arinta dadka ku leh hay’ada bixisay iyo dacwada oo maqal iyo muqaala dhawaan ka filo warbaahinta

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64903

Posted by on Jul 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...