|

Labo Qarax oo goordhaw ka dhacay meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Waxaa goordhaw labo qarax aad u xoogan ay ka dhaceen meel ku dhaw  xarunta Madaxtooyada Soomaaliya sidoo kale uu kuyaalo Hotelka SYL ay dagan yihiin masuuliyiin katirsan dowlada.

Jugta qaraxa koobaad oo ahaa mid xoogan ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaaan uuro iyo qiiq madow laga arkayay aaga qaraxu ka dhacay oo ku dhaw  xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxa uuna ka dhacay meel ku dhaw dhismaha  Hoteka SYL iyo Beerta Nabada oo kuyaala meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada .

Waxaa daqiiqado kadib mar kale dhacay qarax kale oo xoogan, waxaana qaraxaasi uu isna ka dhacay meel ku dhaw goobtii uu markii hore ka dhacay qaraxa koobaad, lamana oga in la waday gaariga qarxay iyo in kale.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in gaariga koobaad ee qarxay uu xoog kaga soo gudbay koontarool yaala laamiga Ceel Gaabta, waxa uuna gaariga qarxay iyada oo ciidamada amaanka rasaas ku ridayeen.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana halkaasi buux dhaafiyay ciidamo badan oo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64876

Posted by on Jul 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.