|

Deg Deg:-Dagaalada u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya oo deegaano hor leh ku fiday-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya ayaa ku fidaya deegaano hor leh oo ka tirsan Itoobiya, iyadoo dagaaladan dib u soo cusboonaaday ay sababeen dhimasho iyo dhaawac badan.

Dagaalada ayaa maalmihii la soo dhaafay laga soo sheegayay deegaanada u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida, waxaana jiray dad Soomaali oo lagu gowracay tuulooyin dhowr ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalada ay ku sii fideen deegaanada u dhow xadka Kenya, waxaana weerarada ay Oromada ku soo qaadayaan Soomaalida lagu sheegay mid dhul ballaarsi ah.

Odayaasha deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa is weydiinaya sababta xilligan uu u soo cusboonaaday dagaalka Soomaalida iyo Itoobiya, iyo ujeedka laga leeyahay, waxaana ay sheegeen in looga gol leeyahay in Soomaalida lagu barakiciyo.

Ismaamulada Soomaalida Oromada iyo Itoobiya ayaa dhowr jeer oo hore isku eedeeyay in midba midka kale uu ka dambeeyo dagaalka, isla markaana ay jiraan maleeshiyaad hubeysan oo dagaalada ku lug leh.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64849

Posted by on Jul 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok
  • Turab: Bismillaah Hey`adan, waxan ay iska qortay, xaga Somaliya 99.9% waa mala awaal. Ilaa dawladii Carta, waa...