|

Xiisad Dagaal iyo Cabsi ka taagan Deegaanka Tukaraq iyo Rasaas laga maqlayo Saaka-Akhriso

Laascaanood ( Horufadhi News ) Iyadoo Gobolka Sool ay ka taagan tahay Xiisad u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ayaa Maanta oo Jimcaha Wararka naga soo gaadhay waxay sheegayaan in goobaha ay isku-hor fadhiyaan Labada ciidan ee deegaanka Tukaraq Xalay laga Maqlay Rasaas Labada dhinac is dhaafsadeen.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in mar qudha ay maqleen jugta hubka fudud iyo midka culus oo ay isku-adeegsanayeen ciidamada labada Maamul ee Somalilnad iyo Puntland.

Khasaaro dhaawac ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen dagaalka, waxaana weli ka hadlin saraakiisha labada dhinac.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa deegaanka Tukaraq waxaa gaadhay Ciidamo aad u farabadan oo ka kala socda labada maamul,taas oo sii hurisay xiisada deegaanka Tukaraq.

Badi dadkii ku noolaa ayaa deegaankaas isaga barakacay si uusan saameyn ugu yeelaan,waxana weli jirin cid kala dhex gashay labada ciidan ee qarka u saaran in ay dagaalamaan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64846

Posted by on Jul 13 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...