|

Puntland Dhagtu way taagan tahay-Akhriso

  1. Maxaa Tukaraq ka Cusb?
  2. Doorashada Baarlamanka waa goorma? Wey kudarsanayaan baan maqlay?
  3. Dakada Bossaso goormaa dhismaheedu bilaabmi?

Hadaba qormadani waxaan jeclahay inaan mid mid udul istaago, sualahan reer Puntland maskaxdooda mashquuliyay, kuna abuurtay dareen aan xasilneen iyo mustaqbal mad madow leh.

Maxaa Tukaraq ka Cusb?

Walow mudo degaankani ay kuwada sugnayeen Somaliland iyo Puntland ciidamadooda, balse xasarada cusubi waxay timi markii ciidamada Somaliland ay kasoo durkeen masaafo yar halkii horey ay ujoogeen. Iyadoo taas ay jirto ayaa madaxweynaha cusub ee Somaliland uu dhaar, hanjabaad iyo aflagaado kula kacay dadka dagaanka iyo Puntland, taas oo abuurtay caro aanan lamaleysaneyn heerkeedu halkii uu gaaray. Waxa xigay dagaalo is xigay oo labo mar ku dhexmaray labada ciidan isla aaga taas oo ay ka dhalatay geeri iyo xamaasad dagaal oo sii laba kacleysay.

Intaa wixii kadanbeeyay hub urursi, calaf iyo ciidan lagu daabuleeyo aagaga dagaalka ayeey labada garaba wadeen. Xagga Puntland waji cusub ayuu yeeshay abaabulka dagaalka. Dagaalka ayaa noqday mid beelo beelo loogu biiro, beel walbana hub, ciidan iyo calaf ayeey geeysay jiida dagaalka.

Dowlada Puntland oo markii hore fursado badan ka arkeysay dagaalkan ayaa hada umuuqata mid taladiisa iyo abaabulkiisa lala yeeshay. Puntland ma aysan yeelan ciidan habeysan tan iyo markii la aas aasay. Marka laga tago guutooyin ay ajaanib tababartay oo taladooda ka go’da qolada gacanta kuheysa. Ciidamada Puntland ee daraawiish loogu yeero, waxay udhisan yihiin qaab beeleedyo, inta badan guuto kasta iyo horjoogahoda waa iskubeel.

Walow 70% miisaniyada Puntland ay ku qoran tahay in ay kubaxdo ciidamada iyo amniga balse xaqiiqdii lama yaqaan tirada rasmiga ee cidanka daraawiishta. Labadii maamul ee Puntland ugu danbeyay wey isku dayeen in lasameeyo ciidamo sumad ciidan leh oo layaqaan tiradooda iyo tayadooda balse waxaa ka horyimi taliyaasha ciidamada oo qandaraas ku heysta; qorida, rusqeynta iyo mushaharka ciidamada iyaga udiwaan gashay. Waxaan is leeyahay ababulka dagaal ee iminka Puntland kasocda wuxuu noqonkaraa fursad ciidamada lagu mideeyo, laguna diwaan galiyo.

Doorashada Baarlamanka waa goorma? Wey kudarsanayaan baan maqlay?

Waxaa dhow wakhtigii Puntland doorasho kadhici laheyd. Sida caadada noqotay wakhti kasta oo ay Puntland doorasho soo dhowaato waxaa cagaha lala galaa qalalaase siyasadeed. Wadanku malaha maxkamad dastuuri, madaxweyne kasta oo soo mara wuxuu doorashada ku galaa inuu dhisi doono maxkamad dasduuri, doorashada tan kuxigtana noqon doonto mid hal qof iyo hal cod ah. Balse waxoogaa markuu joogo waxaa usoo baxa in sida hada xaalku yahay ay ubadiso isaga (status of quo), markuu wakhtigiisu dhamaad yahayna ugu yaraan halsano ayuu isku dayaa inuu kudarsado. Inkastoo hada 5 sano lamarayo oo ah wakhti aad udheer marka laga hadlayo aduunka oo xawli iyo isbadal badani kasocdo, dadbadani waxayba qabaan in 4 sano lagu noqdo.

Baarlamnka hada Jira ee Puntland, in badan waxay rajeynayaan in ay soo noqdaan, sidoo kalena madaxda wadanka ugu sareysa. Waxa jira tiro badan oo musharaxiin baarlamaan iyo madaxweyne oo raba iyagana in ay tartamaan. Qolo walba xisaabteeda iyadaa jeebka kuwadata, qolo udhaxeysa kooxahan tartanku kadhaxeeyo majirto oo sharci ku kala saari karta oo aanan aheyn sidii dhaqanku ahaa in la iskula noqodo odey dhaqameydyada.

Dadka siyaasiinta kasokow waxaa jira dad daaha ku qarsoon oo iyaguna marwalba masalaxadooda ay ka weyntahay daganaanshaha iyo horumarka Puntland. Madax kasto oo soo marta Puntland waxa jira koox lagu kuunyo in iyagu ay awooda iyo dhaqalaha wadanka iska maamushaan.

Alaha unaxariistee wakhtigii Cadde iyo Cabdullahi, kooxdaasi waxaa loo yiqiinay CAYAAL BUTAANO. Waxay iskugu jireen rag waxoogaa waaya arag ah oo xukumadii militariga iyo jabhadii SSDF jagooyin kasoo qabtay iyo kuwo qoys ama qaraabo hoose la ahaa labada marxuun. Waxay gacanta kuhayeen dhamaan qandarasyada dowlada iyo hay’adahaba.

Waxaa kuxigay Madaxweyne Faroole wakhtiigiisii kuwa loogu yeeri jiray AARAN JAAN, oo qoys hoose la ahayeen madaxweyne Faroole. Wax khibrad maamul, mid dhaqaale iyo mid aqoon fog ma aysan laheen. Niman handaad iyo cagajugleen badan ayeey ahayeen, oo aad looga cabsan jiray, aadna loo necbaa. Wakhtiigii doorashadii udanbeysay ay soo dhoweyd waxa ay odayga ku cadadiyeen doorasho dhicis noqotay inuu sameeyo oo marna ma aysan rabin inuu xukunka baneeyo.

Kuwa hada jooga waxaa loo yaqaan CAYAAL SOCIAL MEDIA. Xaga aqoon xumida, waaayo aragnimo la’aanta, damaca waalan, boobka iyo hanti urursiga waxay kala siman yihiin AARAN JAAN, balse waa dad aad uga dabacsan xaga dabeecada oo aan laheyn cagajugleen iyo cabsigalintii AARAN JAAN lagu yiqiin. Hada waxay xusul duub ugu jiraan sidii madaxweyne GAAS ugu darsan lahaa ama markale usoo noqon lahaa wado kasta ha umaree. Meelkasta madaxweyne GAAS ka khudbeynayo waxa ay kudiyaariyaan rag iyo dumar ay soo xusheen oo meesha kasheega madaxweynaha in dadku ladhacsanyahay hogaankiisa ayna rajeynayaan in uu sii joogo iyagoo aad ufahamsan sida madaxweyne GAAS uu amaanta uugu nugul yahay.

Dakada Bossaso goormaa dhismaheedu bilaabmi?

Dadka qaarkii waxay aamin sanyihiin laga soo bilaabo markii dagaal sokeeye qarxay ilaa 2008 in 60% dhaqalaha Somalida uu yiilay Bossaso halka iminka lagu qiyaaso 15% oo kaliya.

Juquraafi ahaan Somalia, khusuusan Puntland waa dhulka ugu istiraajisan marka laga hadlayo isu gooshka alaabaha kayimaada ama kusocda Asia,Africa iyo Europe. Puntland waa Cost Rica in Africa. Cost Rica waa wadan yar oo South America kuyaal. Sanadkii 1996 ayaa nin wasiir dhaqale kanoqday fahmay in wadankiisu meeshuu kuyaalo awgeed uu noqonkaro (logistic hup) xudunta qeybisa alaabta US and South America ukala socota, riyadas oo rumowday 10 sano kadib.

Bossaso waa meel daris la ah wadamo wax soo saarkoodu uu korayo iyo suuqyada ugu waa weyn ee Africa iyo Carabta. Waa mida Raysal Wasaraha Pakistan uu Farmajo kala hadlay kulankoodii Istambul.

Xagga duulimaadyada, diyaaradaha Asia kasoo duula kuna socda Africa inta badani waxay kor maraan Bossaso. Magalooyinka ganacsiga somalida kuxiran yahay sida: Dubai waa 2-saac, Jeddah -3-saac, Khartoom -3-saac, Heyderabad 1-saac, Kaula Lumpur -4-saac. Taas waxay tusale fiican utahay in diyaradaha xamuulka ahi ay aad ugu baahan yhihiin isticmaalka Bossaso airport hadii lahabeeyo loona qalabeeyo hab calami ah.

Hada Caqabadaha Heysta iminka iyo kuwa kusoo foodle leh Bossaso maxay yihiin?

Bada-Cas waxaa ka hanaqaaday dakado waaweyn oo mid walba dooneyso in ay noqoto xaruunta ganacsiga xorta ah ee Bariga Africa. Dakadahani waxaa kamid ah; tan Jabuuti, Casmara iyo Barbera.

Sidookale wadanka Oman ayaa balaarinaya dakada magalada Duqm, oo uu donayo in ay noqoto meesha oogu weyn ee kaluunka bada cas iyo India mara laga qabto laguna warshadeeyo. Hadii ay taas hirgasho waxaa yaraan doona kaluunka laga helo Puntland. Waxaa dhici doonta in badweynta ay iman doonaan shirkado waa weyn oo ka kaluumeysta kuwaas oo ku xiran dakada Duqm.

Intii ay P&O la wareegtay Dakada Bossaaso mudo hada sanad laga joogo waxaa jiray oraahyo sheegayay in dakad caalami oo leh xaruun canshuurta ka caagan la dhisi doono i.w.m. Ilaa iyo iminka wax horumar ah oo dakada laga hirgaliyay majiraan. Hadii dowlada Puntland laweydiiyo waxay kuu shegayaan in qandaraaska dhismaha dakada mar dhow lagu dhawaaqi doono, hadaad P&O weydiiso waxay kuu sheegayaan in dowlada Puntland loo xayiran yahay oo aysan fulin balamo ay lagashay. Waxaa cad, in amuuraha jira ee P&O iyo dowlada Puntland udhaxeeya ay kaweyn yihiin waxa dadka loo sheegayo. Dowlada Puntland ee wakhtigeedu gabaabsiga yahay waxaa kumaqan lacago badan oo aysan kufulin wixii ay balan qaaday in ay kusameyneyso. Xagga shirkada, waxaa jira shaki ay qabto oo ah in hadii maamul cusub yimaado, sidii wax ay urabtay lagayaabo ineysan noqon, iyadoo og in hab mugdi kujiro heshiiskan ay ku gashay.

Gunaanad

  1. Arinta Tukaraq hadaan oogu horeeyo. Mareykanka ayaa aad u isticmaala oraah ah guusha dagaalka waxaa ka adag guusha nabada (wining the peace is harder than winning the war). In Laascano laxoreeyo waa lagaari karaa, balse waxaa in la isweydiiyo mudan, damacyada isdaba yaaca ah ee iminka jira sidee laga yeeli doonaa? Siyaasiinta mid xil haya mid xil doona, qabaa’ilada meesha dagan, iyo in badan oo hada aamusanba baa mid walba si wax oogu muuqdaan, dan iyo damac khaasna wata. Waxaan kutalin lahaa in marka hore meel la isla dhigo mustaqbalka dhow ee Sool iyo Sanaag, inta aanan Laascano latagin.
  2. Xaga Doorashada. Isimadu waa in ay xaqiijiyaan wadanka in ay doorasho xalaala kadhacdo oo waliba dad aad uga duwan kuwii hore loo soo xulo golaha baarlamanka cusub. Waxaan kaloo kutalin lahaa in baarlamanka cusub lagu cadaadiyo in ay wakhtiga hogaaminta wadanka wax kabadalaan oo kadhigaan 4 sano si federalka waafaqsan. Sidookale inta aanan la dooran Madaxweyne, in lasoo xulo gudiga maxkamada sare oo ay doortaan hogaanka maxkamada sare, si aan mardanbe loogu haleyn in madaxweyne yimaada soo magacaabo xaakimka maxkamada sare.
  3. Dekada Bossaso. Isimada waa iyagii horey ugalay arinta dakada, wakhtigii dowlada ay cadeen laheyd mustaqbalka dakada waa lasoo dhaafay. Waxaa loo bahan yahay in Isimadu markale ay arkaan Shirkada dakada haysa iyo dowlada si loo helo xal dan u ah dalka iyo dadka.

Wabilaahi towfiiq
Axmed Xaaji
Axmey_m@hotmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64809

Posted by on Jul 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...