|

Deg Deg:-Odayaal ka yimid Soomaliland oo soo gaadhay Garoowe-Akhriso

Garoowe (Horufadhi News)-Odayaal waxgarada oo kasoo kicitimay Soomaliland ayaa soo gaadhay magaalada Garowe ee caasimada maamul Gobaleedka Puntland, waxayna warar soo baxaaya sheegayaan inay odayaashaasi Garowe u yimaadeen sidii wada hadal nabadeed looga geli lahaa xiisada colaadeed ee ka aloosan Gobalka Sool gaar ahaan Deegaanka Tukaraq.

Waxgaradkan oo isugu jira odayaal dhaqameedyo, ganacsato iyo siyaasiyiin ayaa durbaba Garowe ka bilaabay kulamo ay la qaadanayaan waxgaradka reer Puntland oo ay ugu horeeyaan isimadu.

Sida ay xaqiijinayaan warar ay helayso Horufadhi News waxay odayaashani magaalada Garowe kula kulmeen qaar kamida isimada Puntland oo ay kamid yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Saciid Maxamed Garaase.

Inkastoo ay horay ugu guul daraysteen isku dayo kala duwan oo ay wadeen Beesha caalamka, wadamada deriska iyo qaar kamida culimada labada deegaan oo lagu baajinaayey dhiig mar kale ku daata gobalka Sool, hadana lama oga waxa isku-dayga odayaashani kaga bedelaan doono kuwii hore, wuxuuse imaanshahoodu Puntland kusoo adayaa xili si aada looga cabsi qabo inuu mar kale dagaal ka qarxo deegaanada la isku hor fadhiyo.

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64794

Posted by on Jul 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: Duqa Caliya doormat samba ahaa ayaa la doorman Yuu dudin hee
  • Hirad: Kkkkk miskiin cali ciise waan ka naxay wuu ooyay
  • Ali yusuf: Wasirka deface ee UK ee somaliland yimid
  • Ali yusuf: Sodigi cadalada waday horufadhi away wssirki deface ee somaliland yimisd
  • Abdi: Tollow, miyayan haween kani rag u tashadda lahayn? Mise rag iyo dumar waa wada qaran jab?