|

Nabadoon caan ah oo lagu dilay magaalada Boosaaso-Akhriso

Boosaaso (Horufadhi News)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Nabadoon caan ahaa lagu dilay magaaladaas.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Siciid Awaare, waxaana kooxo bastoolado ku hubeysan ku dileen gurigiisa.

Booliska magaalada Boosaaso ayaa howl gallo ay sameeyeen ku soo qabtay dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilkaas.

Magaalada Boosaaso ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay saraakiil iyo mas’uuliyiin, waxaana ay ka mid tahay meelaga ugu badan ee deegaanada Puntland ay ka dhacaan falalka amni darada.

Boosaaso oo ah Caasimadda Gobolka Bari ayaa u dhow dhulka buuraleyda Galgala, halkaasoo ay ku dhuumaaleystaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64817

Posted by on Jul 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....
  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...