|

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, kaddib muddo bilo ah oo xilkaas banaanaa, iyadoo uu iska casilay Safiirkii hore Stephen Schwartz.

Trump ayaa u magacaabay Safiirka Soomaaliya Amb. Donald Yukio Yamamoto oo ah 65 jir caan ka ah Gobolka Geeska Afrika.

Yamamoto ayaa ahaa Kusimaha Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, waxaa uu horay u soo noqday safiirka Mareykanka u fadhiyay Addis Ababa sanadihii 2006-2009.

Sidoo kale waxaa uu soo noqday Safiirka Jabuuti sanadihii 2000 illaa 2003-dii, waxaa kaloo Safiir KMG uu ka soo noqday dalka Eritrea sanadihii 1997-1998.

Magacaabidan ayaa ka dhigan sida uu Mareykanka u daneynayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan Safiirka uu soo magacaabay Yamamoto oo ah diblomaasi caan ka ah Gobolka oo dalalka deriska la ah Soomaaliya ka soo noqday Safiir.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64813

Posted by on Jul 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...