|

Dowladda Soomaaliya oo dib tababar ugu celisay Ciidamadii imaaraadku hore u tababaray-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa mar kale tababar ku celisay ciidankii ay horey u tababareen dowlada Imaaraadka Carabta ee ku sugnaa xerada Generaal Gordan ee magaalada Muqdisho.

Ciidankii ay tababareen Imaaraadka ayaa noqday kuwa shaqada ka tagay iyo kuwa mar kale tababar lagu celiyay kadib markii ay dalka ka baxeen Saraakiishii Imaaraadka ee horey ciidankan tababarka u siiyay.

Ciidankan mar kale lagu celiyay tababarka cusub waxaa tababaraya Saraakiil ka tirsan ciidanka Midowga Yurub ee Soomaaliya u jooga tababarada ciidanka dowlada, waxaana ciidankan lagu tababarayaa xeradii ay horey u joogeen ee Generaal Gordan.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Gaashaandhiga si buuxda ula wareegtay Xerada tababarka Generaal Gordan ay ka baxeen Imaaraadka, waxaana ciidanka tababarka lagu celiyay isugu jiraan Kumaandoos iyo ciidan caadi ah.

Ciidankii ay horey u tababareen Imaaraadka Carabta ayaa lagu sameeyay hub ka dhigis xoog ah kadib markii lagu weerarary xeradii ay degnaayeen, waxaana ciidankan qaarkood mar kale lagu celiyay tababar halka kuwa kalana ay baxsadeen hubkoodana iibsadeen

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64790

Posted by on Jul 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Soomaali sidaadaba goormaad wax garataan? Caqabaddaha dawladda Federaalka oryaal waa sahlan yihiin. Waxaana...
  • Abdi: Nacas, beenwaas Horufadhi website.
  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...