|

Deg Deg:-Shaqaallaha rayidka ee Dowladda Soomaaliya oo digniin adag Hawada loo mariyey-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Ducaale Beyleh ayaa digniin adag hawada u mariyay Shaqaalaha Rayidka ee dowlada Soomaaliya ee aan soo xaadirin shaqadooda.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xuquuq joogta ah ay u heli lahaayeen Shaqaalaha Dowlada ee sida wanaagsan u shaqeeya, waxa uuna tilmaamay in il gaar ah lagu hayo shaqaalaha aan soo xaadirin goobaha ay ka shaqeeyaan.

Waxa uu Wasiirka u digay dadka aan u shaqeyn dalka iyo dadka ee Mushaaraadka iska qaata, wuxuuna xusay in baaritaan uu ku socdo isla markaana si fiican la iskula xisaabtami doonaan dadka aan shaqeyn ee hadana u qoran.

Wasiirka Maaliyada ayaa cadeeyay in mushaar la siinayo oo uu xaq u leeyahay qofkii u shaqeeya dowladda ee soo xaadira waqtigii loogu tala galay, kuna baxa waqtiga shaqada laga tagayo.

Dr Beyleh ayaa kula taliyay shaqaalaha safraya ama kuwa xanuunsan in looga baahan yahay in ay la socodsiiyaan madaxda iyaga ka sareysa, waxa uuna sheegay in aan la aqbali karin cudur daar aan rasmi aheyn.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan isku raacsanahay qofkii shaqeeya ee soo dhidhida xaqiisa inuu helo, laakin qof aan shaqeysan inaan mushaar siino waa cadaalad daro, waxba yuusan kuu soo war wareegin oo aanu xildhibaano kuusoo kaxeysan, ma qaadan doontid mushaar hadii aadan si sax ah u shaqeyn.” Ayuu yiri Wasiir Bayle.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili qaar badan oo kamid ah shaqaalaha dowlada Mushaarka ka qaata aysan xaadirin shaqooyinka ayna ka shaqeestaan goobo kale halka qaar kalana aysanba dalka joogin mushaarna qaataan iyaga oo maqan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64788

Posted by on Jul 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...