|

Daawo:-Heshiiska Dalalka Ethiopia Iyo Eritrea iyo wareejinta Dekedaha Soomaaliya-Video

Muqdisho ( Horufadhi News) Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka leh Kheyraadka nuuc walba berri iyo bad, laakiin dadkii ehelka u ahaa kama faa’ideystaan mana u diyaarsana midaas.

Dowlado badan oo kamid ah kuwo horumaray ayaa aad u daneeya Soomaaliya gaar ahaan iney maalgashi ku sameeystaan dhulkeeda iyo badeeda balse waxaa u diidaya caqabadaha jira oo Amniga ugu horeeyo.

Burburkii dalka kadib Soomaaliya nasiib uma yeelan in aduunka maalgashto marka laga reebo shirkado laga leeyahay dalal horumaray oo ka howlgala goobo cayiman.

Soomaaliya waxey heshiis maalgashi la gashay dowladda Itoobiya sanadkan 2018, kaa oo ku saabsan in Itoobiya ay maalgelishato afar dakadood oo Soomaaliya dhaca, mana ahan micnaheedu in ay la wareegayaan,

HALKAN KA DAAWO VIDEO

kaliya waxey ku sameynayaan maalgashi waxaana bilaabanaya wax soo saar kadibna labada dal ayaa ka macaashaya.

Mucaaradka dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shacabku ku wargeliyay in dowladda ay dakadihii dalka ku wareejisay dowladda Itoobiya.

Dhawaan waxaa heshiisay dowladaha Eriteriya iyo Itoobiya oo dagaal xun uu ka dhaxeeyay, waana laba dal oo deris ah, labada hogaamiye ayaa isku afgartay heshiisyo kala duwan waxaana ugu weynaa in Itoobiya ay maalgashato dekadaha dalka Eriteriya kadib markii la soo afjaray colaad dagaal oo u dhaxeysay muddo sanado ah labada dowladood.

Heshiiska Dowladaha Eriteriya iyo Itoobiya ee dekadaha kama duwana kan ay Itoobiya la gashay Soomaaliya, waana heshiis caadi ah oo dhibaato laheyn.

Qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan u arkay heshiiska, qaar soo dhaweeyay iyo kuwo ka hor yimid, laakiin u baahan fahan guud in laga siiyo maalgashiga Itoobiya ee dekadaha Soomaaliya.

Waxa Soomaalida dhibaya ayaa ah in Xabashida oo naceyb badan ay u qabaan iney hadane dalkii maalgashtaan, maadama labada dal uu dagaal xun oo ilaa imika laga sheekeeyo dhexmaray sanadkii 1977-kii.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64782

Posted by on Jul 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...