|

Soomaliland warbaahinta oo laga mamnuucay tabinta wararka Dagaalka Tukaraq iyo colaada Ceel-afweyn-Akhriso

Hargeysa (Horufadhi News)-War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Maamulka Soomaliland ayaa loogu digay warbaahinta ka hawlgasha Soomaliland in aysan baahin Karin  warar aan ka soo bixin guddida nabadeynta ee Ceel-afweyn .

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Warbaahinta ka howlgasha Soomaliland aysan tabin Karin xaaladda ka jirta deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka kala tirsan Soomaliland iyo Puntland.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Soomaliland ayaa u qoran sidaan:

“Siraha ciidammadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha ka reeban saxaafaddu inay wax ka qorto ama ka tebiso fasax la’aan, waana mid ay ka siman yihiin warbaahinta dunidda oo dhan, waayo waxay  xeeriyaan shuruucda iyo anshaxa saxaafadda, waxayna iska ilaaliyaan   wax kasta oo la xidhiidha hawlaha ciidammada, waxaanay   baahiyaan kaliya wixii warar ah ee ka soo baxa talisyadooda.

Sidaas awgeed, waxaanu ku wargelinaynaa, kuna adkaynaynaa saxaafadda ka hawlgasha JSL inay ka waantoobaan  wax ka sheegga  hawlaha ciidammada siiba xaaladda dagaal ee ka taagan Tuka-raq ee ay isku horfadhiyaan   ciidanka qaranka iyo ka Soomaaliya.

Wararka kaliya ee laga tabin karaa jiidaas dagaalku ka taagan yahay ee Tuka-raq waa midka ka soo baxa taliska ciidanka ama xukuumadda, waxaana reebban in warar malo-awaal iyo kuwo laga soo xigtay meelo kale oo aan ahayn ilaha rasmiga ah laga sii daayo  guud ahaan warbaahinta dalka”.

warkan kasoo baxay wasarada warfaafinta Maamulka Soomaliland ayaa imaanaya iyada oo qaar kamid ah Tv yada Soomaliland ka howl galaa ay aad u buun buuninayeen Coolaada ka taagan Deegaanka Ceel-afweyn ee Gobalka Sanaag halkaas oo ay dirir soo laab laabatay ku dhexmartay Beello walaalo ah oo deegaanka wada dega.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64748

Posted by on Jul 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...