|

Maxaa ka jira in Ciidamadda Xasilinta Muqdisho aysan sharci ku dhisnayn-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Wasiirkii hore ee Amniga Xukuumaddii hore ee Soomaaliya Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada Xasilinta ee xilligan ka howl gala magaalada Muqdisho aysan sharciyad ku dhisneyn.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in qodobka 126aad ee Dastuurka uu ka soo horjeedo dhismaha ciidanka Xasilinta, isagoo xusay in markii hore ciidankan si KMG ah loo sameeyay sanadkii hore.

“Ciidamada loo yaqaan xasilinta sharci kuma shaqeeyaan, ciidan xasilin waa loo baahan yahay, balse wax kasta waxaa kala hagaayo sharciga, haddii Garsoorka iyo sharciga uu xumaado wax hagaagaya malahan, Ciidankaan xasilinta sharciyad malahan, waxayna ka soo horjeedaa qodobka 126-aad ee Dastuurka jiritaanka ciidanka xasilinta, waana waydiinay sharci ma haystaan KMG waaye ayuu dhahay illaa goormee ayeey KMG yihiin”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Cumar.

Xildhibaanka ayaa si weyn u dhaliilay qaabka ay u howl galaan Ciidamada Xasilinta, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in laga fikiro sharciga ay ku dhisan yihiin, si loo helo ciidan nidaamsan oo si sharci leh ku shaqeeya.

Ciidanka Xasilinta ayaa ka kooban afarta ciidan ee Soomaaliya leedahay, sida Booliska, Nabadsugida, Milateriga iyo Asluubta, waxaana ciidanka Xasilinta ay leeyihiin Talis gaar ah, iyadoo howshooda amniga ku kooban tahay Muqdisho kaliya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64760

Posted by on Jul 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.