|

Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo laabtay Goordhow kadib Safarkii Turkiga-Sawiro

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalooyinka Jabuuti iyo Ankara waxa uu si gaar ah ula kulmay Madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo ka qeyb galayaal Caalami ah, waxa ayna ka wada hadleen danaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaTurkiga loogu soo dhaweeyay hab-maamuus sare, isagoona ka mid ahaa 20 hoggaamiye oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u ambabaxo magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada qeyb galayaan Madaxda maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64763

Posted by on Jul 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.