|

Dhakhtarkii gaarka ahaa ee Madaxweyne Siyaad oo maanta ku geeriyooday Nairobi-Akhriso

Nairobi (Horufadhi News)-Waxaa Magaalada Nairobi ku geeriyooday saaka Allaha u naxariistee Dr. Axmed Max’ed Xassan oo ku magac dheeraa (Foodcadde) oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii Soomaaliya ugu magaca dheereyn tan iyo xiligii berisamaadkii

Axmed wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho sannadkii 1938-dii, Inta la ogyahay mar wuxuu ahaa dhakhtarka kali ah Soomaaliya oo dhan ee ka taqasusay daweynta Cudurada wadnaha.

Sidoo kale, Muddo dheer wuxuu ahaa dhakhtarka khaaska ah ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Sanadihii Lixdamaakii wuxuu noqday guddoomiyihii bisha cas ee Soomaaliya oo uu ku muteysatay abaalmarinno badan sida mid caalami ah oo ay siisay Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah ICRC.

Boqorada Britain Queen Elizabeth ayaa guddoonsisay abaalmarintaas billadda ahayd oo bisha cas ee Soomaaliya ay ku muteysatay shaqadii bani-aadminimo ee ay qabatay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64771

Posted by on Jul 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...