|

Daawo:-Xabsigii waynaa ee Jeel Ogaadeen oo Masjid loo badelayo iyo isbadeladda Abiye Axmed-Video

Muqdisho ( Horufadhi News)-Warar dheeraad ah ayaakasoo baxaya qorsho ay dowlada Ethiopia ku dooneyso in albaabada loogu laabo Xabsiyada waaweyn ee ku yaala magaalada Jigjiga ee maamulka Soomaalida Itoobiya.

Amarka lagu xidhayo Xabsiyada oo kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa la xaqiijiyay in iminka uu ka dhaqan galay magaalada Jigjiga.

Xogtu waxay tibaaxeysaa in Abiy Axmed uu amar ku bixiyay in xidhitaanka xabsiyada lasoo dadajiyo isla markaana lagu bilaabo Xabsiga weyn ee loo yaqaan “Jeel Ogaadenia” oo ku yaalla magaalada Jigjiga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xabsiga Jeel Ogaadenia ayaa ah kan ugu weyn DDSI, waxaana lagu xidhnaa Xubno loo haystay Arimo Siyaasadeed iyo dagaalyahaano ka tirsan Jabhada ONLF.

Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in Jeel Ogaadenia loo bedelo (Masjid) lagu cibaadeysto, Waxaana Hada Xukuumada deegaanka Soomaalidu Bilowday Qorshe lagu sii daynayo dadkii ku xidhnaa Xabsiga iyagoo Xaqiijiyey in Halkaasi Masaajid laga dhigi doono, Waxaana la sheegay in Xabsiyada kale ee waaweyn laga dhigo Masaajido iyo beero lagu nasto, si maxaabiista lasii daayay aysan dib ugu xasuusan dhibka xabsiyada.

Gudaha asbuucan ayaa lagu wadaa in burburinta lagu bilaabo jeelka weyn ee loo yaqaan “Jeel Ogaadenia”.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64754

Posted by on Jul 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.