|

XOG:-Maxaa kasoo baxay kulan qarsoodi ah oo Abiye Ahmed iyo ONLF dhexmaray-Akhriso

Muqdisho ( Horufadhi News)- Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriteria uu ka dhacay kulan khaasa oo u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyo xubno ka tirsan Saraakiisha ONLF.

Kulanka Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo Saraakiisha ONLF oo qaatay ku dhawaad laba saac ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu furay albaabka wadahadal iyo wax wada qeybsiga.

Kulanka labada dhinaca oo banaan joog ay ka aheyd warbaahinta ayaa looga wadahadlay sida ONLF ay qeyb uga ahaan laheyd dowlada Abiy isla markaana wax ula qeybsan lahaayen dadka kala duwan ee kasoo jeeda dalka Ethiopia.

Kulanka ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Asmara,waxaana la sheegayaa in labada dhinac ay isku afgarteen in kulan rasmi ah oo dhexmara labada dhinac lagu qabto magaalada Adis ababa bilaha soo socda.

Abiy Axmed ayaa Saraakiisha ONLF ee uu la kulmay u xaqiijiyay in dowladiisu ay diyaar u tahay wadahadal iyo wada shaqeyn, waxa uuna ku celcelshay in kulan khaasa oo kan ka weyn uu ku qaban doono magaalada Addis Ababa.

Wasiirrada uu hoggaamiyo Abiye Axmed ayaa dhawaan Baarlamaanka ka codsaday in liiska argagixisanimada laga saaro saddex Urur oo ay ka mid tahay ONLF,taas oo uu Baarlamaanka meel mariyay.

Sidoo kale, magaalada Asmara ayaa xarun u ah Ururka ONLF,waxaana dhawaan ,lagu soo gaba gabeeyay Shirweynaha saddexaad ee Ururka halkaas oo lagu doortay Guddoonka iyo Golaha cusub ee Madaxda ONLF.

Dhinaca kale, ONLF,waxaa ay soo dhaweysay go’aanka Baarlamaanka Itoobiya uga saaray liiska Argagixisada iyaga oo sheegay in ay wadahadal la furayaan dowladda Ethiopia.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64708

Posted by on Jul 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Jiifdiid: Dagaal baa dhacaya ee dahabka iyo Ayuutada soo dira Nimankan waa Xarfaan lacagay sii aruuursanayaaan Qurba...
  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...