|

Shirkadda DP World oo shaqadii ka eriday Ninkii Xisaabiyaha u ahaa Dekada Berbera-Akhriso

Hargeysa ( Horufadhi News )-Maamulka shirkada DP World  ayaa waxay xil ka qaadis ku sameeyen Xisaabiyaha guud ee shirkada u fadhiyay Dekadda magaalada Berbera, Sida ay wararku sheegayaan.

Xisaabiyaha Dekadda Iimaan Yuusuf Iimaan ayaa xilkaasi laga qaaday kadib markii uu isfahan’waa dhexmaray isaga iyo maamulka Dekadda waxaana xigay xil ka qaadistiisa.

Maamulka DP World ayaa si KMG ah xilka laga qaaday Iimaan Yuusuf Iimaan ugu magacaabay nin kasoo jeeda dalka Senegal oo kamid ahaa shaqaalaha shirkada.

Warar hoose ayaa sheegaya in Iimaan Yuusuf Iimaan uu ka hor imaaday ku tagrifal awoodeed oo uu kala kulmay maamulka shirkada taasina ay dhalisay in lagu sameeyo xil ka qaadis degdeg ah.

Shirkada DP World ayaa lagu eedeeyay inay ku amar taagleyso shaqaalaha Soomaalida ee ka howlgala Dekadda, taa oo kala fogaanshu ka dhex abuurta maamulka iyo shaqaalaha.

Sidoo kale, shirkada DP World ayaan jirin cid kala hadli karta ku tagrifalka shaqaalaha, waxaana xusid mudan in madaxda Somaliland aysan awood u laheyn faragalinta howsha shirkada.

Docda kale, Shirkada DP World ayaan dhag jalaq usiin amarada kasoo baxay madaxda dowlada kaa oo lagu mamnuucay hanaanka khaldan ee shirkadaas ay uga howlgaleyso Dekadda Berbera.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64698

Posted by on Jul 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....
  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...