|

Oromadda oo gowracday 5 Soomaali ah iyo dhacdooyin argagax leh-Akhriso

Muqdihso (Horufadhi News) Wararka ka imaanaya Tuulada Guuleed oo u dhaxeysa deegaannada Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Shan qof oo Soomaali ah, walibana ay Gowraceen Oromada.

Nabadoon Maxamed Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in raggan ay soo weerareen rag hubeysan oo Oromo ah, sidaasina ku qabteen, kadibna ku Gowraceen.

“Xaaladda deegaanka aad bay uga dartay, Shan qof oo Soomaali ah ayeey Oromadu Gowraceen, dagaalka wuu sii socdaa oo Labada dhinacba sidan bay isku dilayaan, xalna ma jiro” ayuu yiri Nabadoonka.

Dadka Soomaalida ah ayaa isaga soo barakacay deegaannada ay ku xooggan yihiin Oromada, dagaalladuna waa mid aan joogsi lahayn.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64712

Posted by on Jul 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok
  • Turab: Bismillaah Hey`adan, waxan ay iska qortay, xaga Somaliya 99.9% waa mala awaal. Ilaa dawladii Carta, waa...