|

Madaxweynaha Turkiga oo xilkii ugu muhiimsanaa Wasiiradiisa u magacaabay Wiil uu Sodog u yahay-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa magacaabay Golihiisa cusub ee Wasiirada, waxaana Wasaaradaha ugu muhiimsan Xukuumadiisa u magacaabay xubno aad ugu dhaw dhaw.

Erdogan ayaa Wasiirka Wasaarada Maaliyada dowladiisa  u magacaabay wiilka uu Sodoga u yahay ee Berat Albayrak oo ah nin dhalinyaro ah kana mid ah xubnaha aadka ugu dhaw Madaxweynaha.

Dadka Turkiga ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Xilkan muhiimka ah uu Madaxweynaha Turkiga u magacaabay Wiilka qaba gabadhiisa, waxa ayna dadka qaar sheegeen in maamulka dalka koox gaar ah oo xigto ah gacanta u galay.

Kadib magacaabista Madaxweynaha Turkiga uu Berat Albayrak u magacaabay Wasiirka Maaliyada ayaa durba lacagta Turkiga ee lira ayaa in kabadan boqolkiiba labo qiimeheedu hoos u dhacay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa shalay markii xilka si rasmi ah loogu caleemo saaray durba ku dhawaaqay golihiisa cusub ee Wasiirada, waxaana Xukuumada cusub ku jira xubno aad ugu dhaw Madaxweynaha.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64704

Posted by on Jul 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...